WAR DEG DEG:- Sarkaal sare oo Dowlada Soomaaliya ka tirsanaa Al-Shabaab isku dhiibay

0

Ururka Al-Shabaab ayaa soo bandhigay Sarkaal Magaciisa lagu sheegay Maxamed Adan Cali Barre  oo sida la sheegay ahaan Jiray Taliyihii Sirdoonka iyo Sahanka ee Ciidanka Xoogga dalka kaas oo ay sheegeen in uu  isku soo dhiibay.

Waxaana Sarkaalkaan ay ku soo bandhigeen Al Shabaab deegaanka Ceelcade ee Gobolka Gedo iyagoo sheegay in  uu ka tanaasulay la shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ma jiro wax war oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aadan Sarkaalkaasi  la sheegay in uu iyaga ka tirsanaa ee isku dhiibay Al Shabaab.

Maaha markii ugu horreysay oo Al Shabaab ay soo bandhigaan Sarkaal Ciidanka dowladda Federaalka ka tirsanaa oo isku soo dhiiba.