Qarax ismiidaamin ah ayaa lagu soo waramayaa in lala eegtay kolonyo baabuur ah oo ay la socdeen fallaago reer Suuriya ah oo marayay xudduudda uu Turkiga la leeyahay Suuriya, halkaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 20 qof.
Koox u doodda xaquuqul insaanka oo reer Suuriya ah isla markaana fadhigeedu yahay dalka Britain ayaa sheegtay in qaraxa uu ka dhacay gudaha Suuriya.
Fallaagadani weerarka lala eegtay ayaa waxaa taageera milatariga dalka Turkiga, wax aayna dhawaan dagaal la galeen kooxda khilaafada Islaamka.
Mas’uuliyadda weerarkan ayaa waxaa sheegtay kooxda khilaafada Islaamka.
Milatariga dalka Turkiga ayaa indhawaaleba waqooyiga Suuriya ka waday howlgal ballaaran oo ka dhan ah kooxda Khilaafada Islaamka.