TOP:- Howlgal culus oo ka dhacay Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir

0

Ciidamada Amaanka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM,ayaa waxaa ay baaritaanno ka sameeyeen degmada Howl-wadaag ee Gobolka Banaadir.

Ciidamada ayaa xiray inta u dhaxeysa Isgooysyada Black Sea iyo Baar Ubax,waxaana ay baarayeen Geerashyada ku yaalla inta u dhaxeysa laba isgoys.

Saraakiil ka tirsan kuwa Amniga ayaa Mustaqbal Radio,u sheegay in Ciidamada isbaheysanayay ay baaritaan ku hayeen Geerashyo la tuhmayo in ay yaallaan ama lagu farsameeyo walxaha qarxa.

Dadka degaanka ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in Ciidamada isbaheysanaya ay isgooyska Baar Ubax ka wateen 3 Gaari ,kuwaas oo ay tuhmayaan,sida uu sheegay qofkaasi goob joogaha ah.

Ciidanka AMISOM oo wata gaadiidka dagaalka iyo Ciidamada Dowladda ayaa qab qabtay koox dhallinyaro ah,waxaana ay baaritaan kadib sheegeen in qaar ka mid ah dhallinyarada la sii daayay,laakiin ay kaxeysteen dhowr qof iyo 3 Gaari.

Waxaa ay xannibeen isu socodka dadka iyo Gaadiidka inta uu socday howlgalkaasi,kaas oo Dadka lagu diidayay in ay galaan Suuqa Bakaaraha ama ka baxaan.