Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlayay Shaacinta Habraaca Hanaanka Geedi socodka Doorashooyinka Puntland ayaa sheegay in ay Puntland ka hayaantay Nidaamka Qabiilka, isagoo sheegay in ay u guurtay Nidaamka Asxaabtada Badan ee Dimuquraadiyad sax ah oo aan aheyn mid ka hor imaanaysa Diinteena Islaamka.
Madaxweyne Gaas oo khudbad ka jeediyey Madashii qorshahan ay ku shaacinayeen guddiga Doorashooyinka KMG ah ee Puntland ayuu sheegay in ay caqabado badan imaan doonaan, balse ay Xukuumadda iyo Shacabka Puntland sidii horey looga bartay ka gudbi doonaan.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Puntland doorashada soo socota uu qorshuhu yahay in ay ku gasho Habka Dimuquraadiyada Hadii Eebe Idmo, isagoo sheegay in ay dawladda dhan ka shaqeynayso sidii qorshahaas loo dadajin lahaa.
Bartilmaameedka Guddiga Doorashadu ay soo bandhigeen waa in bisha December 2017-ka ay noqoto bisha Doorashada Golayaasha Degmooyinka Puntland, iyadoo bartamaha sanadka 2018-ka la shaacin doono Sadexda Xisbiyada U tartami doona Madaxweyn-nimada Puntland.
HALKAAN KA DHAGEYSO