TOP DHAGEYSO:- Kenya oo war ka soo saartay Eedeyn loo jeediyay iyo Al-Shabaab oo…

0

Dowladda Kenya ayaa beenisay wararka sheegaya in Ciidankeeda ay Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya ka geystaan dil, kufsi iyo bililiqo, kadib markii dadka deegaanka ay sheegeen in ay u dulqaadan waayeen tacadi ay kala kulmaan Ciidanka Kenya.

Jeneral Joseph Nkaissery oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Dalka Kenya ayaa beeniyay eedeynta loo jeediyay Ciidanka Kenya, waxaana uu sheegay in mar walba Hay’adaha Xuquuqda aadanaha ay Kenya ka qoraan warbixino been abuur ah, ama eedeyn ah oo sal iyo raad midna aan laheyn.

Wuxuu sheegay in Kenya dadka rayidka aysan ugeysan Dilal sharci daro ah, sidoo kalena ay mar walba ku dadaasho sidii loo gacan qaban lahaa dadka rayidka ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dalka Kenya Jeneral Joseph Nkaissery ayaa dhanka kale sheegay in Ciidanka Kenya ay diyaar u yihiin, sidii ay uga hortagi lahaayeen weerarada mararka qaar Shabaab ay ka geystaan Dalka Kenya.

Al-shabaab ayaa weeraro waxa ay ka geystaan Gobolka Waqooyi Bari Kenya, halkaasi oo ay ku beegsadaan Ciidamada dalka Kenya.

HALKAAN KA DHAGEYSO