Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shir khaas ah hadda la leh Wakiilada Caalamiga ah ee arrimaha Soomaaliya oo goor dhaweyd soo gaaray caasumada Puntland.
Aqalka Madaxtooyada ayuu ka socdaa shirkan, waxaana Saxaafaddu ay ka tahay dibad joog, iyadoo la sheegay in laga wada hadlayo arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.
Ergayga gaarka ah ee QM U qaabilsan Soomaaliya Micheal Ketaing ayaa hogaaminaya wafdigan ka socda Bulshada Caalamka.
Soomaaliya oo xili xasaasi ah ku socota ayaa la filayaa in ay doorashadu qabsoonto, waxaana Safarkan uu ku soo beegmay xili dibu dhac sadexaad uu ku yimid Jadwalkii ay dajiyeen Guddiga Doorashooyinka Heer Faderaal, iyadoo Guddiga doorashadu ay shalay ku dhawaaqeen 2 maalin oo dheeraad ah.
Madaxweyne Gaas iyo Ergayga gaarka ah ayaa lafilayaa in ay shir Jaraa’id wada qabtaan, marka uu soo dhamaado shirkan khaaska ah, waxaana lasadaalinayaa in ay arrimo badan ka hadlaan.