Faah faahin Dil ka dhacay Baardheere

0

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Baardheere ayaa waxa ay sheegayaan in xalay halkaasi lagu dilay Nabadoon caan ka ahaa Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Nabadoonka ayaa xilligii la dilayay waxa uu ka soo baxay Masjid oo uu ku soo tukaday Salaada Maqrib, waxaana lagu magacaabi jiray Nabadoon Ibraahim Qorax.

Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen dilka Nabadoonka, waxaana dilka kadib ay ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay, sida Dadka Deegaanka ay Risaala u sheegeen.

Gudoomiyaha Magaalada Baardheere Cadow Nuur Xasan oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in Nabadoonka uu ahaa mid si weyn looga garanayay Magaalada, sidoo kalena ay wadaan baaritaano lagu raadinayo kooxihii ka dambeeyay dilka Nabadoonka.

Maalmihii u dambeeyay Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ka dhacayay dilal qorsheysan, kuwaas oo loo geysanayay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda iyo dad shacab ah.