Boqolaal Soomaali iyo Itoobiyaan ah ayaa saaka banaanbax ka dhigay Magaalada Britoria ee Dalka Koofur Afrika,kuwaas oo ka cabanaya goob laga qaato Sharciyada oo ciriiri ku noqotay islamarkaana ay dhibaato kala kulmeen in ay helaan sharciga.
Goobta Sharciga laga bixiyo ayaa Waddamada Ajanabiga ah dalalka qaar ayaa la siiyaa maalmo gaar ah oo ay tagaan goobtaas.
Soomaalida iyo Itoobiyaanka ayaa iska leh maalinta Arbacada ee maanta oo kale,waxaana aad u badan tirada Dadka Itoobiyaanka ah,taas oo ay sharci bixiyayaasha u sheegeen in aysan wada siin karin.
Soomaalida aya adalbanaya in laga beddelo Arbacada ama iyaga iyo Itoobiyaanka in lakala wareejiyo kadib markii ay ka tiro bateen,taas oo sababtay in aysan sharci helin.
Booliska Koofur Afrika ayaa adeegsaday Diyaaradahooda ay ku wataan Sunta dadka ilmada ka keenta si ay u kala eryaan Dibadbaxayaasha.
C/rashiid Deeq Qorane oo ka mid ah Soomaalida ku sugan halka uu ka dhacay banaanbaxa ayaa sheegay in Ciidamada ay buufinayaan dadka islamarkaana ay kala carareen inta badan Dadkii banaanbaxa dhigayay.