Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa deeq lacageed oo gaareysaa 10,000 oo dollarka Maraykanka, wuxuu Madaxwanuhu ugu talagalay in la gaarsiyo dadka ku dhaqan deeganno ka tirsan Maamulka Jubbaland ee Soomaaliya oo ay abaari ka jirto.
Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu safiirka Jabuuti ee Soomaaliya uu ku sheegay in deeqda lacageed oo gaareysa 10-kun oo dollar uu soo dhiibay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Mudane Aadan Xasan Aadan ayaa sheegay in deeqdan ka timid Madaxweynaha Jabuuti tahay mid loogu talagalay abaaraha saaameyay dadka iyo duunyada ku dhaqan qeybo ka mid ah qaybo ka mid ah maamul goboleedka Jubba-land ee Soomaaliya.
Wasiiru-dowlaha Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka ah ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xiddig ayaa sheegay inay kaalmadaan wax ka tari doonto abaaraha ka jira qaybo ka mid ah Soomaaliya, isagoo sidoo kale uga mahadceliyay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaiil Cumar Geelle iyo shacabka Jabuuti ee aan walaalaha nahay sida ay mar walba u garab taagan yihiin Ummada Soomaaliyed.