XOG:- Maxaa Sabab u ah Dib u dhaca ku yimid ku dhawaaqista Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka?..

0

Guddiga Doorashadda Dadban ee Heer Federal ayaa horey u shaaciyey in Maamul-Gobaleedyadda Bishan October 05-teeda soo gudbin doonaan Xubnaha Xildhibaandd ee uga mid noqonaya Aqalka Sare ee Barlamaanka Federalka.

Sababha dhaliyey Dib u dhaca ayaa la filayaa in ay Guddiga Doorashadda Dadban ka hadlaan, si loo ogaado waxa dib u dhigay magacaabista 54-ka xubnood ee Xildhibaanadda Aqalka Sare ee Barlamanka.

Dib u dhacaasi ayaa la rumeysan in ay u sabab yihiin:-

Maamul Gobaleedka Hirshabeele oo aan weli la soo dhameystirin, lana soo xuli Karin xubnihii u matali lahaa Aqalka Sare ee Barlamaanka.

Cuqaasha iyo Siyaasiyiinta Soomaaliland oo weli qaadacsan Saami-qeybsiga Labada Aqal ee Barlamaanka.

Maamuladda Puntland, Galmudug, Jubbaland iyo K/Galbeed oo aan weli si rasmi ah u soo gudbinin Liiska Xildhibaanadda u matalayo Aqalka Sare.

Guddiga Doorashada Dadban ee Heerka Federaal ayaa horey u soo bandhigay Jadwalka Doorashada, kaasi oo lagu qeexay:-

In Xildhibaanadda Aqalka Sare ee Barlamaanka la doorto bishan October 05-teeda.

In Baarlamaanka la doorto 23-ka October ilaa 10-ka November.

In Guddoonka Labada Aqal la doorto 23-ka November.

In Madaxweynaha la doorto 30-ka November.

Si kastba ha ahaatee, Dib-u-dhaca xubnaha Aqalka Sare ayaa laga yaabaa in ay sababi karto Dib u dhac Baahsan oo ku yimaada Doorashada.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media