XOG:- Xasan Sheekh oo Reer Baydhabo soo xasuusiyay 2012-markii uu tagay isagoo Musharax ah, Maxaa farqi ah oo u dhaxeeya ololaha waqtigaasi iyo Hada ?

0

Isagoo Boqolaal Shacab ah kula hadlayay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayuu sheegay in sanadkii 2012-kii ee loo Magacaabayay Madaxweynaha Soomaaliya Magaalada Baydhabo ay ahayd meel aan lahayn 1 Geed oo la harsado , hadana Dhismayaal waaweyn oo shirar iyo kulamo lagu qabsan karo ay ka dhismeen taasi oo uu sheegay in lagu gaaray Adeega Dowladeed.

Xasan Sheekh ayaa hoosta ka xariiqay 2012 markii la doortay Booqashadii ugu horreysay ee uu ku tagay Magaalada Baydhabo aanu lahayn xilligaasi Maagaladu meel la istaago Cadceeda darteed ,iska daa meel Madaxda iyo Shacabka ku wada hadlaan balsed maanta Hoolal Baarlamaanka iyo Masuuliyiinta kale shirarkooda lagu qabto ay leedahay, Dowladnimada ayaana u sabab ah midaas ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaan uu ku tar tarsiiyay Bulshada Baydhabo in ay ilaashadaan Dowladda Muuqaalka Bilicda san u yeeshay Baydhabo oo ay ku hilloobeen Daruufihii ay Magaaladu la kowsaneysay sanadkii 2012 sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka codsaday Dadka Reer Koofur Galbeed Soomaliya in dhaq dhaqaaqyada doorashooyinka oo ay qeyb ka yihiin aysan xuquuqda dumarka ugu tumanin islamarkaana ay siiyaan xuquuqda Dastuurka KMG ugu ogolaanayo in 30% laga siiyo Haweenka Kuraasta Baarlamaanka Soomaaliyeed.

Waxaana si shaac ah Dalab Afeef ah ugu sii jeediyay Haweenka reer Koofur Galbeed ee ka soo Muuqda Baarlamaanka soo socda ay codkooda isaga ugu shubaan sida uu yiri.

Hadalka Madaxweynuhu ka jeediyay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa u muuqday mid qeyb ka ah Ololihiisa Doorashada maadaama uu ka mid yahay Musharrixiinta u taagan Doorashada Madaxtinimo ee dalka walow uu ka meer meerayay in uu si rasmi u qeexo u jeedadaasi isagoona ku micneeyay safarka uu Baydhabo shalay ku gaaray mid uu ugu kuur galayo Arrimaha Doorashooyin si loo dadajiyo.

Xildhibaanada Baarlamaanka Dowladda Dhexe ka soo gala maamul Goboleedka Koofur Galbeed oo uu u waayeeliyo Madaxweynaha maamulkaas Shariif Xasan Sheekh Adan ayaa inta badan saameyn weyn ka dhex sameeya marka lagu guda jiro xaaladahaan oo kale ee Arrimaha Doorashooyinka , waxaana dadka qaar ay ku kaftamaan cidda ay u garbiyeen in loo badiyo Guusha maadaama marka loo eego Xildhibaanada ka yimaada deegaanada kale ee dalka iyagu yihiin kuwa hanaan Mideysan codkoodu ugu ayidda Musharraxa Markaas ay la dhacsan yihiin.