Wadayaasha mooto bajaajka Gaalkacyo ayaa waxaa ay ka cabanayaan dhibaato ay dhalaanka xaafadaha jooga ay kala kul maan taasi oo dhibaato kasoo gaadho rakaabka iyo mootada waxaana dhalaanku tuur yeeyaan waxaana jira dhaawacyo ka dhashay.
Wadayaasha iyo mulkiilayaasha ayaa xusey inay soo dakale caqabado kaga yimaada waalidiinta caruurta kuwaasi oo diida inay bixiyaan dhibka ay dhalaankoodu gaysteen madama ayna xakamayn karin caruurtaan taasina ay keentay cabashada ka timid mulkiilayaasha iyo wadayaasha Bajaajka.
Badi dhalaankaan tuuryayna mootada iyo dadka saaran ayaa waxaa ay ubadan yihin kuwo aan tagin goobaha wax barashada waxaana ay ugu baaqeen in waalidiintaas ay wax barasho geeyaan caruurtaan si ay uga bad baadaan dhibaatada ay ku hayaan.
HALKAAN KA DHAGEYSO