TOP DHAGEYSO:- Qorshihii Al-Shabaab looga saari lahaa Deegaanada ay ku harsan yihiin oo Bilowday

0

Taliyaha ciidanka dowladda Soomaaliya ee degmada Buurdhuubo ayaa ka warbixiyay howgal maalmihii lasoo dhaafay ay ka wadeen deegaano hoos yimaada degmada Buur dhuubo oo ay gacanta ku hayaan Xarakada Al-Shabaab.

Cornell Aadan Maxamuud oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay qaadeen howgal balaaran oo ay Al-Shabaab kula dagaalamaayaan.

Aadan Maxamuud ayaa sidoo kale xusay in ciidanka dowladda Soomaaliya ee degmada Buurdhuubo ay diyaar u yihiin in ay Al-Shabaab kasaaraan deegaanada hoos yimaada degmada Buurdhuubo oo ay gacanta ku hayaan.

HALKAAN KA DHAGEYSO