Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee Dowladda Italy ay u soo magacowday Soomaaliya Ambassador carlo Campanile, kulankaas oo lagu falanqeeyay arrimo quseeyay labada dal.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen wada shaqeynta labada dal, gaar ahaan sidii loo mataaneyn lahaa Baarlamaanada labada dal ee Soomaaliya iyo Italy.
Kualnka ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay sidii looga wada shaqeyn lahaa in Dowladda Italy ay Soomaaliya ku soo wareejiso Taariikhaha iyo sharciyada Italy ay heyso ee la xiriira xilliyadii ay Dalka maamulayeen.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamede Sheekh Cusmaan (Jawaari) iyo safiirka cusub ee Dowladda Italy ay u soo magacowday Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa ay ka wada hadleen iskaashi laga sameeyo dhinaca waxbarashada si Ardada Soomaaliyeed ay u helaan Deeqo la xiriiira dhinaca waxbarashada.
HALKAAN KA DHAGEYSO