TOP DHAGEYSO:- Dowlada Soomaaliya oo war ka soo saartay Hadallo beryihii dambe Shacabka isla dhex marayeen

0

Eng Saalax Sheekh Cismaan Wasiirka Howlaha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay been abuurtay wararka sheegaya in Dowladda ay dhul dan guud ah ku wareejisay Hay’ado shisheeye.

Waxa uu sheegay in wararkaasi ay yihiin been abuur isla markaana aysan waxbo ka jirin in Dowladda ay dhul ku wareejisay Hay’addo shisheeye.’

Waxa uu sidoo kale sheegay in aysan jiri doonin in dhulalka danta guud loo isticmaalo dan gaar ama lagu wareejiyo shaqsiyaad gaar ah.

Waxa uu tilmaamay in masuuliyiinta Dowladda aysan ku takri falin awooda dowladda iyo hantida Qaranka.

HALKAAN KA DHAGEYSO