XOG XASAASI AH: M/weynaha DFS & Hogaamiyaha Koonfur Galbeed oo ku kulmaya Baydhabo & Qorshe cusub oo ay Abaabulayaan

0

Saraakiisha ku dhaw dhaw Madaxweynaha Soomaaliya iyo qaar kamid ah Madaxda Ole-olaha Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee waqtigu ka dhamaada Xasan Sheeh Maxamuud ayaa u sheegay Warbaahinta in uu ku sii jeedo magaalada Baydhabo ee gobalka Baay, halkaas oo uu doonayo in uu taageero ka helo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Socdaalkaas ayaa la xaqiijiyey in uu ka baaqday Xasan Sheekh Maxamuud, markii uu cududaar uga yimid dhinaca maamulka Koonfur Galbeed & ciidamada AMISOM ee kusugan magaalada Baydhabo.

Ujeedada socdaalka Xasan Sheekh ee Baydhabo ayaa la sheegay in ay daaran tahay Hardan adag ee ugu jiro soo laabashada mar kale ee Madaxweyne-nimada Soomaaliya.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa kamid ah ragga sida gaarka ah saameynta ugu yeelan doona doorashada dhacaysa bisha November ee sannadkan sida la qorsheeyey, waxaana uu saami sarre ku leeyihiin xubnaha labada Aqal ee doorashadan galaya.

Shariif oo ah nin lagu yaqaano eegashadiisa danaha gaarka ah ayaa dhawaan fashiliyey qorshe uu watay Maxamed Sh Cismaan Jawaari, kaas oo ku saleysanaa in uu markale Is sharaxo, laakiin taasi waxaa ka biyo diiday Shariif-ka oo sheegay in aysan hadda qaadan doonin Guddoon baarlamaan, balse ay doonayaan xubinta Raysalwasaare-nimada Soomaaliya.

Xogtu waxay daaha ka rogaysaa in uu Shariif Xasan hadda loolan adag ugu jiro in uu Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya u sharaxo mid kamid ah Siyaasiinta ka soo jeeda Beesha Daarood, si uu ugu yaraan u helo booska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa door-bidaya in uu qorshahaas taageero, isla markaasna uu dhinaca Madaxweyne-nimada loolan adag ee uga furan difaac uga dhigo, in aysan miiska doorashada imaan Musharaxiin ka soo jeeda Beesha Daarood, taas oo noqon karta qorshe ay heshiis ku noqon karaan labada dhinac.

Laakiin kooxda DAMU JADIID ayaa wadnaha farta uga haysa aaminad la`aanta Shariif Xasan Sheekh Aadan oo lagu-yaqaano eegashadiisa danaha gaarka ah, balse aan xooga saarin arrimaha ku saleysan gobaleysiga iyo La saaxiibka Siyaasadeed, ciyaarana oo kaliya hadba halka uu ka arko danihiisa gaarka ah.