Xog ay heshay warbaahinta ayaa sheegeysa in uu socdo qorshe ay ciidanka AMISOM kula wareegayaan guud ahaan magaalada Marka ee gobolka Shabellaha Hoose.
Kadib markii ay Soomaalidii ku heshiin waayeen ku wada noolaanshiyaha Marka gaar ahaan beelaha Habargidir iyo Biyo maal, waxaa la go’aamiyey in askari Soomaali ah aanu joogin magaaladaasi, illaa inta AMISOM ay halkaasi geysto.
AMISOM ayaa sugi doonta amniga guud ee Marka, ciidamada Booliiska AMISOM ayaa la doonayaa in lageeyo, sidoo kalena halkaasi ay Milatariga AMISOM ka shaqeeyaan.
Waxay degi doonaan saldhigyada iyo dhammaan waddooyinka Muhiim ah, xitaa dadkuu ku dagaalla Marka waxaa la qorsheeyey iney iyaga dhex dhexaadiyaan, sida qorshaha yahay.
Amniga Marka wuxuu noqday mid maalmihii ugu dambeeyay faraha ka baxay, waxaana magaaladaasi ka dhacay dagaallo sababay in shacabkii ay barakacaan.