TOP DHAGEYSO:- Qorshaha cusub ee Bilowday Muxuu ku soo kordhinayaa Ciidamada Jubbaland ?

0

Saraakiisha Ciidanka Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ay wadaan Qorshe dib u habeyn loogu sameynayo Ciidanka Jubbaland ee ku sugan Gobolka Gedo.

Taliyaha Ciidanka Daraaswiishta Maamulka Jubbaland C/rashiid Maxamed Cusmaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay wadaan Qorshe dib u habeyn loogu sameynayo Ciidanka Jubbaland ee ku sugan Gobolka Gedo, taas oo u jeedkeeda uu yahay sidii loo bilaabi lahaa Howlgal ka dhan ah Shabaab.

WUxuu sheegay Taliyaha Ciidanka Daraaswiishta Maamulka Jubbaland C/rashiid Maxamed Cusmaan Ciidanka Jubbaland in hada uu u socdo Tababar, si ay u helaan Tababar wanaagsan.

Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa horey u sheegay in ay bilaabayaan Howlgal ka dhan ah Shabaab.

HALKAAN KA DHAGEYSO