Qarax Gaari ayaa Goor dhaw ka dhacay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Wadada hormarta Xerada Qoysaska soo Barakacay ay ku nool yihiin Degmadaasi ee Rajo.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada ayaa Warbaahinta u sheegay in Qaraxa uu ahaa Gaari lagu soo xiray Qaraxa waxaana ku dhaawacmay Labo Qof oo Goobta ka Agdhawaa.
Qaraxa Gaariga ayaa waxaa ka dhashay dab Xooggan,iyadoo Dabdamiska Maamulka Gobolka Banaadir ay ku guuleysteen in ay Damiyaan.
Sidoo kale Wali lama kala Cadeyn Cidda wadatay Gaariga ku Qarxay Wadada hormarta Xerada Barakacayaasha Rajo.