Xildhibaan Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta gaartay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe oo ah magaalada ay ka soo jeedo xildhibaanadan.
Guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Sh/dhexe Marwo Sacdiyo Maxamed Nuur iyo haween faro badan ayaa ku soo dhoweeyay magaalada Jowhar xildhibaan Khadiijo iyagoo ruxayay caleemo qoyan iyo ubax.
Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa u mahadcelisay haweenkii soo dhoweeyay waxay hadal gaaban oo ay jeedisay sheegtay inay ku faraxsan tahay in markale ay dib ugu soo laabato magaalada ay ku dhalatay.
“Waxaan ku faraxsanahay in aan imaado deegaan doorashadeydii waxaan ahay qof ka soo jeeda labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan.”ayay tiri Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye.
“Waxaan ahay xildhibaanka kaliya ee guriga uu ku dhashay ilmahana ku dhalay uu Jowhar ku yaala.Yaa Igu soo labeeya?”ayay tiri Marwo Khadijo Maxamed Diiriye oo ka mid ah xildhibaanada Soomaaliyeed horena u soo qabatay xilal kala duwan oo heer wasiir ah.
Hoos ka Daawo Sawirada:-