WAR DEG DEG AH:- Taliyihii Nabad Sugida Gobolka Banaadir oo Xilkii laga qaaday

0

Taliyihii Ciidanka Nabad sugida gobolka Banaadir Cabdixakiin Fareey ayaa xilkii laga qaaday sida Masuuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir ay Warbaahinta u shaaciyeen.

Taliyaha cusub ee Ciidanka Nabad sugida Gobolka Banaadir ayaa waxaa loo magacaabay  Maxamed Xasan Faarax { Faranfar } oo horay u ahaa Taliye ku Xigeenka Nabad Sugida Gobolka Banaadir.

Lama oga sababta ka dambeysa xil ka qaadista lagu sameeyay Taliyihii Nabad Sugida gobolka Banaair.