XOG+SAWIR:-Maxay ka wada hadleen Madaxweynaha Galmudug iyo Wakiilka ka socday Mareykanka ?

0

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa maanta waxa uu la kulmay Wakiil ka socday Dowladda Mareykanka.

Kulanka ay qaateen C/kariin Xuseen Guuleed Madaxweynaha Maamulka Galmudug iyo Wakiilka ka socday Mareykanka ayaa waxa ay kaga wada hadleen weerarkii dhinaca cirka ahaa, ee Habeen ka hor ka dhacay Deegaanka Jeexdin, oo dhaca Duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Labada dhinac ayaa isla gartay in la isla meel dhigo qiimeynta khasaarihii ka dhashay weerarkii Duqeynta ahaa ee ka dhacay Duleedka Magaalada Gaalkacyo.

Captan Jeff Davis oo ah Afhayeenka Waaxda Pentagon-ka ee Dalka Mareykanka, ayaa sheegay Duqeyntii ka dhacday Gaalkacyo in ay ku dileen 9 Dagaalyahan oo ka tirsan Shabaab, kuwaas oo xilligii ay Duqeyntu dhaceysay ku sugnaa goob fariisin ah.

Afhayeenka Waaxda Pentagon-ka ee Dalka Mareykanka, Captan Jeff Davis ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan hadii ay jiraan Duqeyntaasi in ay ku geeryoodeen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka, maadaama ay soo baxayeen warar sheegaya in Duqeyntaasi ay ku dhinteen Ciidamo ka tirsan Dowladda, gaar ahaan kuwa Maamulka Galmudug.

s s1