Saraakiil ka tirsan ciidanka maamulka Puntland ayaa sheegay in dagaal ay ku qaadeen deegaanka Jeexdin oo ay isku aruursanaayeen xubno ka tirsan Xarakada Al-Shabaab oo doonaayay in ay weerar ku qaadaan deegaanka maamulka Puntland.
Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Jeexdin oo ku yaalla duleedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka maamulka Punland oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay in ay weerareen goob ay joogeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Sarkaalkan oo ka gaabsaday in aan magaciisa u isticmaalno warbaahinta ayaa sidoo kale sheegay in duqeynta ay iska kaashadeen ciidanka difaaca Puntland iyo sidoo kale saaxiibada caalamka .
Maamulka Galmudug ayaa sheegay in dadka la duqeeyay aysan aheyn Al-Shabaab ,laakiin ay yihiin dad shacab ah iyo sidoo kale ciidamado ka tirsan maamulka Galmudug oo saldhig ku lahaa goobta la duqeyay.
Waxa xusid mudan in deegaanada Jeexdin iyo Godod ay inta badan ku dagaalamaan Maleeshiyaad kasoo kala jeeda Puntland iyo sidoo kale Galmudug.
Al-Shabaab gacanta kuma hayaan deegaanka Jeexdin iyo sidoo kale guud ahaanba deegaanada ku yaalla Bariga gobolka Mudug.