Dowladda Mareykanka, ayaa waxay xaqiijisay in weerar dhinaca cirka ah ay ku dishay Bashiir Cali Jaamac Guuleed (Bashiir Dheere), oo ka tirsanaa Saraakiisha Ururka Al Shabaab.
Warbixin uu soo saaray Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika, ayaa waxaa lagu sheegay in duqayntan oo dhacday 26-kii bishan, ay ka fuliyen Deegaanka Kaamjaroom, oo 90km dhinaca waqooyi kaga beegan Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.
Warbixinta, ayaa waxaa lagu sheegay in duqaynta oo is difaacid ahayd, ay ka dambeysay markii Xoogaga Ururka Al Shabaab ay weerar ku soo qaadeen Ciidamada Dowladda Somaliya iyo la taliye-yaal Mareykanka u dhashay, oo ku sugnaa bannaanka hore ee Kaamjaroom.
Sidoo kale waxaa Warbixinta lagu sheegay in Bashiir Dheere lala dilay saddex Sarkaal oo kale, balse ma jirto wax faah faahin intaas dheer oo Warbixintaasi lagu xusay.
Mareykanka, ayaa sheegay in Bashiir Dheere uu ahaan jiray Taliye Ku Xigeenka Ururka Al Shabaab ee Gobolka Jubbada Hoose.
Marka laga soo taggo hadalka ka soo yeeray Mareykanka, ayaa waxay dadka ku dhaqan Kaamjaroom, ay ku sheegayan inaanu jirin wax weerar ah oo Shabaabku ku qaadeen Ciidamada Dowladda iyo Saraakiisha Mareykanka.
Sidoo kale waxaa ay ku sheegayan in diyaaradaha Mareykanku ay beegsadeen uun Bashiir Dheere iyo afar ka mid ahayd ilaaladiisa, xilli ay la socdeen gaari nooca raaxada ah. Isniintii ayaa lagu aasay tuulada Buriya oo ka tirsan Kaamjaroom.
Duqayntan oo ahayd mid xoogan, ayaa baqdin ku dhalisay shacabka deegaanka, inkastoo aanay jirin waxyeelo ka soo gaartay duqayntaasi.