Sirdoonka Soomaaliya ayaa helay xog sheegeysa in shaqsi loo maleynayo sarkaal Fu’aaad Shongole oo ka tirsan Al-shabaab uu soo galay suuqa weyn ee Bakaraaha.
Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa suuqaasi waxay ka wadaan howlgal aad iyo aaad u adag, islamarkaana dukaan iyo guri lagu baaarayo.
Ciidamada ayaa isku gadaamay meel walbo oo Bakaaro ah, waxaana la diiday in la galo, lagana soo baxo Suuqaasi.
Xogta ay helayso Saxaafada ayaa sheegaysa in sarkaalka hadda laga baadi goobayo Bakaaro aanu joogin, balse ay jirto xogta ah saraakiil sarsare oo Al-shabaab ah misane halkaasi ku dhuumanayey.
Howlgalka maanta ka socda Suuqa Bakaaraha waa uu ka culus yahay kuwii horay uga dhici jiray Muqdisho, waxaana hareeraha suuqa lagu arkayaa dabaabaadka AMISOM.