TOP+SAWIRRO:- Banaanbax balaaran oo Maanta ka dhacay Magaalada Cadaado

0

Magaalada Cadaado ee xarunta Maamulka Galmudug waxaa maanta ka dhacay Banaanbax ay dadka ku diiddan yihiin xukun Maxkamad ku taalla Dalka Hindiya ay ku ridday Dhallinayaro Soomaaliyeed oo ay ku eedeysay in ay Burcad Badeed yihiin.

Dibadbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayay ereyo ka dhan ah Dowladda Hindiya iyo xukunka dilka ah ee lagu riday 50 Maxaabiis  ee Soomaalida ah oo ay Maxkamadda Mombai xukuntay dhowaan.

War-Saxaafadeed ay so saartay Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Hindiya ayaa lagu beeniyay in Maxkamad ku taalla Dalkaasi Hindiya ay xukun ku ridday Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ay ku eedeeyeen in ay yihiin Burcad Badeed.

Safaaradda waxaa ay sheegtay in Warka la xiriira xukunka dilka ah ay baahiyeen Warbaahinta,taas oo ay ku sheegeen been,waxaa ay Safaaradda intaa ku dartay in Kiiska Dhallinyaradaas ay Maxkamadda qaadeyso 30ka Bisha Setember,islamarkaana aanay jirin xukun horay loo riday.

1 2 3 4