Doorashada Soomaaliya ee lagu wado in sanadkaan ay ka qabsoonto dalka ayaa markiii labaad dib uga dhacday wakhtigii loo qorsheeyay, iyadoona hada sidii jadwalku ahaa lagu jiro wakhtigii la xuli lahaa Baarlamaanka Aqalka sare iyo kan hoose oo loo asteeyay in wakhtigaan ay diyaarsan yihiin ergooyinkii soo dooran lahaa Xildhibaanka.
Caqabadaha ugu waawayn ee Doorashada dib u riday ayaa ah Arrimaha aqalka Sare dhismihiisa oo buuq badan ka taagan yahay beeluhuna isku haystaa, iyo Maamul usamaynta Hiiraan iyo Shabeelada dhexe.
Arrinka Maamul usamaynta Hiiraan iyo shabeelada dhexe ayaa u muuqda mid xal waara laga gaarayo, waxaana Odayaal kasoo jeeda labada Gobol oo la shiray Gudiga doorashada Dawladda dhexe ay soo jeediyeen in xubnaha Baarlamaanka ee aqalka hoose lagu doorto Muqdisho.
Soo jeedinta odayaasha dhaqanka ee Muqdisho ku sugan ayaa waxaa aqbalay Gudiga Doorashada heer Federaal, waxaana xalkaan uu yimid xili diidmo ay ka taagnayd halka lagu doornayo Baarlamaanka maadaama Odayaasha Gobolka Hiiraan ee uu hogaaminayo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ay diideen inay Jowhar shir u tagaan, sidoo kalena ay ka dhacdo doorashada baarlamaanka matalaya Gobolka Hiiraan.
Gudoomiyaha Gudiga Doorashada heer Federaal Avv. Cumar Cabdulle Dhagey ayaa Warbaahinta u sheegay in soo jeedin odayaasha ay qaateen balse ay talo ku celinayaan Ugaas Xasan Ugaas Khaliif iyo duubabka dhaqanka ee uu hogaaminayo.
“Waxaa intooda badan Odayaasha dhaqanka ee labada gobol soo jeediyeen inta maamulka laga dhisayo in doorashada lagu qabto Muqdisho oo ah dadka goboladaas ka soo jeeda, waxaa la xiriiri doonaa Ugaas Xasan Ugaas Khaliif”ayuu yiri Cumar Dhagey.
Doorashada Soomaaliya ayaa la filayaa in la shaciyo wakhti kooban oo lagu daray kaas oo la doonayo in si deg deg ah loogu dhammaystiro hawlaha dib u dhacay.