Dib udhaca ku yimid soo dhameystirka Xildhibaanada Cusub Ee Aqalka sare oo shalay lagu aheyd wakhtigii loo ballansanaa in lasoo afjarayo balse aysan dhicin.
Dawlada Soomaaliya ayaa lagu Eedeeyey inay mas’uul ka tahay Arintaan ayna macquul tahay doorashada Guud inay saameyso dib udhacaasi.
Maxamed Cabdullaahi Fardhiye oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qaba in Dastuurka oo lagu dhaqmin Sharciyada ku xusan ay tahay mida ugu wacan in dib udhacaasi uu yimaado.
Xildhibaan Fardhiye ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay sameeyaan waxyaabo lagu soo celin karo Sharciyadii Dalka iyo Dadka lagu xukumi lahaa maadama Madaxda ugu sareysa Dalka ay ku hungoobeen inay Sharcigaasi dabaqaan sida uu hadalka uyiri Fardhiye.
Sikastaba ha’ahaatee Eedeynta Ka timid Xildhibaankani ayaa sii jeexeysa walaac iyo walbahaar laga qabo in dib udhac kale ku yimaado Doorashada Baarlamaaniga iyo mida Madaxtinimada Soomaaliya ee dhawaan la qorsheeyey inay ka dhacdo Dalka gudihiisa.
HALKAAN KA DHAGEYSO