Ra’isul wasaaraha Maamulka Israel Benjamin Netanyahu oo Ilaaladiisa Suuliga u wata

0

Ra’isalwasaaraha Maamulka Israel Benjamin Netanyahu,ayaa ku sugnaa Magaalada New York ee Dalka Mareykanka,halkaas oo uu ka socday Shirka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey.

Benjamin Netanyahu,intii uu ku sugnaa Magaaladaasi waxaa uu mar isaga oo la fadhiyay madax ka tirsan Dalka Mareykanka uu damcay in uu aado Suulida ama Musqusha,waxaana uu dalbaday in ay u raacaan 20 ka mid ah 40 Askari ee sida gaarka ah u ilaaliya.

Mid ka mid ah ilaalada ayaa istaagay Albaabka hore ee Suulida,halka kuwo kalena ay saf wareeg ah ka galeen bannaanka Musqusha,intii uu ku jiray ayey u diidayeen dadka kale in ay iyana galaan Musqulaha ka agdhow midda uu isaga ku jiray.

Kaliya Musqulaha ma ahayn goobaha uu ilaalada u adeegsanayay Magaalada New York,waxaa ka mid ahaa Hotelka uu deggan yahay oo qeybtiisa ay aad u dhooban yihiin Ciidan Hubeysan,Maqaayadaha uu ka cunteynayay oo si gaar ah looga joojiyay dadka kale in ay ka cunteeyaan si isaga aan loo wax yeelleyn.

Netanyahu,ayaa ka tagay Cashada isaga iyo Xaaskiisa oo ka casheynayay Sherry-Netherland Hotel’,kadib markii ay soo gaartay in amniga uusan fiicaneyn islamarkaan jirto digniin rasmi ah,waxaana uu ka baxay Hoteelkii ay ka casheynayeen.

Dalka Mareykanka ayaa waxaa ku sii kordhaya weerarrada ay geysanayaan taageerayaasha Ururka Daacish,kuwaas oo bar tilmaameedsanaya goobaha ay ku badanyihiin dadka aan Muslimka ahayn.