XOG: Maxaa Sababay In Maanta Ay Dib Uga Dhacdo Doorashda Xubnaha Aqalka Sare…

0

Qorshuhu ahaa in Maanta oo ah 25-ka Bisha September lagu dhawaaqo Doorashada Xubnaha Aqalka sare ee Soomaaliya ee ka Kooban 54 Xubnood sida ay ku heshiiyeen Hogaamiyaasha Madasha Wada-tashiga Qaran Guddiga Doorashooyinka Dadbana ay shaaciyeen.

Hayeeshee Qorshahaas dib u dhac ayaa ku yimid sida ay noo xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Guddiga Doorshooyinka dadban ee Soomaaliya.

Guddiga Masheegin Dib u dhaca ku yimid Dhismaha Xubnaha Aqalka sare inta uu le eg yahay,iyadoo lagu wado Guddiga Doorashooyinka dadban in ay shaaciyaan Dib u dhaca Xubnaha Aqalka sare iyo inta ay qaadaneyso.

Dhinaca kale Dib u dhaca ayaa lagu sheegay in ay Sabab u tahay Dhanka Dhaqaalaha oo aan la heyn iyo Xubnihii Aqalka sare ka soo gali lahaa Maamulka loo dhisao Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe oo aan la soo gudbin.

Isku soo wada duuboo Ma jirto Cid weli sheegi karta in Dib u dhac ay arrintaan u keeni karto Jadwalka Doorashada ee horay ay iskugu raaceen Hogaamiyaasha Madasha Wada-tashiga Qaran.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media