Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Khudbad ka jeedinaya Fadhiga QM iyo Xasan Sheekh oo ka baaqday

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya C/salaan Hadliye Cumar ayaa maanta lagu wadaa inuu khudbad ka jeediyo Fadhiga Golaha guud ee loo dhaqan yahay Qaramada Midoobey oo ka socda magaalada New York ee dalka Kenya.

Wasiir Hadliye ayaa jeedinaya khudbadii Madaxweyne Xasan Sheekh ka jeedin lahaa Fadhiga, kadib markii uu ka baaqsaday Madaxweynuhu shirkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo waqtigiisa dhamaaday ayaa isu diyaarinaya tartan doorasho, isagoo doonaya inuu mar kale ku guuleysto xilka madaxweynaha.

Ilo wareedyo ayaa u sheegay Warbaahinta in Madaxweynaha uu sababaha uga baaqday shirka sanadeedka Qaramada Midoobey uu yahay doorashada dhawaan dalka ka dhaceysa iyo tartanka adag ee ku soo fool leh.

Sanadihii u dambeeyay ayuu Madaxweynuhu ka qeyb galay shirarkii Qaramada Midoobey, iyadoo la xusuusto sanadkii hore in isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha ay isku mar aadeen dalka Mareykanka, inkastoo Madaxweynaha uu shirka Qaramada Midoobey ka qeyb galayay, halka Ra’iisul Wasaarahana shirar kale u tagay.

Hada labadaba waa Musharax, cidna kama qeyb geli doonto shirka Qaramada Midoobey, maadaama nin walba uu olole ugu jiro doorashada Madaxweynaha.

Hase ahaatee Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa matali doona Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo maanta uu jeedin doono Khudbad uu uga hadlayo xaalada Soomaaliya, doorashooyinka la filayo in dhowaan dhacaan.