WAR DEG DEG AH:- Dhacdo Xanuun badan oo Muqdisho ka dhacday

0

Wararka naga soo gaaraya xaafada Waxar Cadde ee degmada Hilwaa ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in nin madax looga jiray uu halkaasi ku dilay cunug yar oo uu dhalay.

Waxaa  sidoo kale dadka ku nool Xaafada Waxar Cadde  ay sheegeen in uu sidoo kale ninkaasi uu dhaawac culus uu soo gaarsiiyay hooyadii iyo sidoo kale aabihii dhalay oo la sheegay in ay ahaayeen in dhoolayaal.

Ninka ayaa la sheegay in dhimirka looga jiray , waxaana uu sidoo kale dhaawac soo gaarsiiyay nafsadiisa.

Guriga ayaa la sheegay in ay ka baxsatay oo kaliya gabadhii uu qabay ninkaasi dhimirka looga jiray.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka ammaanka ay arkeen ninkaan oo gacmaha dhiig ku leh oo kasoo baxaya xaafada ka dibna ay xabsiga u taxaabeen dadkii guriga kunoolaana ay gargaar u fidiyeen.

Maamulka degmada Hilwaa oo aan la xariirnay ayaa inoo sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan dhacda xaruun ka badan ee maanta ka dhacday xaafada Waxar Cadde ee degmada Hilwaa ee magaalada Muqdisho.