Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay tirada ku dhimatay Dooni ay la socdeen boqolaal muhaajiriin ah oo ku quustay Xeebaha Dalka Masar.
Doonidan oo la aaminsan yahay in ay la socdeen 600 Ruux ayaa waxaa markii ay quustay waxaa geeriyooday 42 Ruux, waxaana sidoo kale la soo badbaadiyay 150 kale.
Dadka ku dhintay shilkaasi ayaa lagu soo waramayaa in ay ku jiraan Caruur iyo Haween, kuwaasi oo awoodi waayay in ay biyaha uga baxaan dawaal.
Hay’adda arimaha Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay (UNHCR) ayaa shaaca ka qaaday in Doonida muhaajiriinta la socday ay ka soo kala jeedaan Dalalka Somalia, Maser, Sudan iyo Eritrea.
UNHRC ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay musiibadii ka dhacday Xeebaha Dalka Masar, maadaama Wakiilka Hay’addaasi uu xusay in ay dhinteen Muhaajiriin doonayay geerida Dalka Taliyaaniga.
Dhinaca kale, Saraakiil ka tirsan Dowlada Maser ayaa shaaca ka qaaday in ay gacanta ku dhigeen 4 Ruux oo lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen Dadkii lagu raseeyay doonidaasi.
Warbixin ka soo baxday Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in 10,000 oo Ruux ay ku dhinteen Biyaha Medetereeniyaanka xili ay doonayeen in ay gaaraan Dalka Talyaaniga intii u dhaxeysa Sanadaha 2014-kii ilaa iyo 2016-ka.
Hoos ka Dhageyso Codka:-