Warar naga soo gaaraya Aqalka Madaxtooyada ee dawladda Goboleedka Puntland ayaa daaha ka rogaya in latashiyadii ugu dambeeyey ay Madaxda dawladda Puntland ka leeyihiin arrimaha la xariira kudhawaaqida magacyadda xubnaha Puntland uga mid noqonaya Aqalka Sare ee dawladda Faderaalka Soomaaliya.
Madaxweyne Gaas ayaa saacadihii ugu dambeeyey la kulansanaa shaqsiyaad badan oo doonaya in ay ka mid noqdaan Aqalka Sare ee dawladda Soomaaliya, waxayna soo gudbiyeen khibradaha ay u leeyihiin arrimaha Siyaasada.
Madaxweynuhu wuxuu horey u sheegay in ay xuli doonaan dad matala masiirka Puntland, kuwaas oo mar kasta matalaad shacab ah oo dhab ah wata, taas oo hadda lafilayo in ay ka hirgasho deegaanada Puntland.
Saraakiil ku dhaw dhaw Madaxtooyada ayaa xaqiijinaya in 72 saacadooda gudahood ay suuragal tahay in la shaaciyo magacyada xubnaha aqalka sare u matali doona Puntland.