Obama oo la sheegay inuu diidi doono in Maxkamad lala Koro Sacuudiga

0

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa maanta codka diidmada qayaxan ee Veto u adeegsan doona sharci u ogolaanaya dadkii ka badbaaday iyo ehellada dadkii ku dhintay weerarkii September 11 inay maxkamad la koraan dowladda Sacuudiga.

Obama ayaa sheegay in sharcigan uu keeni doono in dadka Mareykanka ah ee dibedda ku nool ay galaan halis sharci.

“Waxaan aaminsannahay in sharcigan uu yahay mid xun” waxaa sidaas yiri John Earnest oo ah afhayeenka Aqalka Cad.

Congress-ka Mareykanka ayaa la filayaa inuu isku dayo inuu baa bi’iyo diidmada madaxweynaha, taasi oo u baahan in saddex meelood laba meel ay sharci dejiyayaasha u codeeyaan.

Xukuumadda Riyadh ayaa beenisay inay wax lug ah ku lahayd weeraradii argagixiso ee dhacay September 11, 2011.