Magaalada gaalkacyo waxaa maanta ka dhacay dibad bax looga soo horjeedo go’aankii Madaxwaynaha Puntland ku fasaxay xoolaha nool gaadiidka sida ee aan lagu kala wareejinayn gaalkacyo kuwaas oo toos ugu gudbaya Boosaaso.
Dadwayne fara badan oo ka kooban qaybaha Bulshada ayaa isugu soo baxay ilinka hore ee aqalka looga taliyo Gobolka Mudug, waxaana halkaas ay ku gubeen taayaro, iyagoona ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah kalaa bashada go’aanka iyo Madaxwaynaha Puntland.
Madaxwayne Kuxigeenka Puntland Eng Cabdixakiin ayaa go’aankiisa lagu taageeray, waxaana dadwaynaha banaan baxayay ay sheegayeen in nabadgalayada Gobolka ay ku jirto kala wareejinta iyo baaritaan adag oo lagu sameeyo gaadiidka xamuulka ah.