Warqad kasoo baxday xafiiska sii hayaha Xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa waxaa lagu amrayaa hay’adaha Amaanka iyo Wasaaradaha ya quseyso iney ilaaliyaan amaanka musharaxiinta islamarkaana ay si siman ugu adeegaan dhamana Musharaxiinta.
Sidoo kale warqadan ayaa waxaa bahda saxaafada loogu fasaxayaa inay gudaha u galaan Garooka Diyaardaha Aden Cade ee magaalada Muqdisho
Waxaa isa soo taraaya cadeymaha muujinaya khilaafka iyo baratanka foosha xun ee ka dhexjira madaxda Dowladda Soomaaliya ee waqtigooda dhamaaday.