Dacwada Badda ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxa ay dhaawac siyaasadeed iyo mid kalsoonida in lagala laabto ku reebtay Qaar kamid ah Musharixiinta Madaxweynenimo ee Soomaaliya 2016 kuwoodi ugu tunka weynaa ee doonayay ama u tartamayay inay qabtaan xilka ama xafiiska ugu sareeya dalka Soomaaliya.
Musharixiintan ayaa waxa ay dacwadan badda ku reebtay dhaawac siyaasadeed oo baaxad leh, runtii cadaaladana waa inaan laga fogaan sababtoo ah qofkii aaminsan ama yiraahda Xasan Sheekh kuma jiro arrinta badda ama waxba ma saxiixin waa qof waxbadan ka maqan yihiin, Xasan qudhiisa Kenya waxay ka haysaa saxiix, waana soo bixi doonaan warqadaha uu saxiixay.
Siyaasiyiintan dhaawaca siyaasadeed ee baaxad leh ay dacwadan badda ku reebtay waxaa kamid ah Musharaxiinta ugu tunka weynaa:
1- Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu lumiyay 50% fursada in la doorto ee uu filayay
2- Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxa uu lumiyay 50% fursada in la doorto ee uu filayay
3- Cumar Cabdirashiid Cali, waxa uu lumiyay 100% gabi ahaan fursada in la doorto ee uu filayay.
4- Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, waxa uu lumiyay 100% gabi ahaan fursada in la doorto ee uu filayay.
Dhinaca kale Yeysan kaa hoos bixin Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif qudhooda waa ay lumin gabi ahaan rajada ay ka qabaan in la doorto oo kama aysan hareen saaxiibadood Cumar iyo Cabdishakuur ee waxaa siinaya in ay helaan fursad ah 50% waa caasimada Muqdisho oo ah mahii ay kasoo jeedeen, balse haddii ay doorashadu ka dhici lahayd meel kale fursadood waxay ahaan lahayd 100%, in aysan wax kalsooni ah oo lagu doorto.
Isku soo wada duuboo haddii maanta ay doorashada dhici lahayd waxaa xaqiiqo ah in afartaas musharax ay laba kamid ah si toos ah daaqada uga bixi lahaayeen, labada kalena ay ciriiri xoogan gali lahaayeen waloow ay cadahay inaan la doorteen.