DHAGEYSO:- Kenya oo markale ku hanjabtay in ay xireyso xeryaha Qaxootiga

0

Dowladda Kenya ayaa ku hanjabtay in ay xireyso xeryaha Qaxootiga ee dalka Kenya hadii beesha caalamka aysan bixin dhaqaalihii loogu talagay in lagu taageero qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya.

Wasiirka arimaha gudaha dowladda Kenya ayaa markale ku hanjabay in dowladda Kenya ay Al-baabada isku dhufan doono xerada Qaxootiga ee Dhadhaab hadii aysan aan la bixin dhaqaalihii loogu talagalay qaxootiga Soomaaliyeed ee kunool Xerada qaxootiga ee Dhadhaab.

Joseph Nkaissery ayaa sidoo kale sheegay in  Qaxootiga Soomaaliyeed ee kunool ee xeryaha ay haysataan dhibaatooyinka kala duwan, sidaas darteedna loo baahan yahay in la caawiyo.

Dowladda Kenya ayaa horay ugu dhawaaqday inay xirayso xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma iyadoo ugu baaqday beesha caalamka inay qayb ka qaadato culayska qaxootiga uga iman kara xiritaanka xeryahaasi.

Kumanaan Soomaali ah ayaa ku nool xerada Dhadhaab kuwaas oo deganaa tan iyo sanadkii 1991, waxaana shaqaale ka ah xeryahaas caruurtii ku dhashashay.

Dowladda Kenya ayaa horay ugu hanjabtay in ay xireyso xerada qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya , laakiin cadaadis ka yimid dowladdaha Caalamka iyo sidoo kale hay’ada u dooda xuquul aadanaha ayaa dowladda Kenya go’aankaasi kalaabatay.

Hoos ka Dhageyso Codka:-