DHAGEYSO:- Socdaalka Nabada oo Magaalada Baydhabo lagu soo gaba gabeeyay iyo Masuuliyiin ka qeyb galay

0

Kulankan oo loogu magacdaray socdaalka Nabadda ayaa lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay,

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed, Kan Degmada, Galbeed, Waxgarad, Ururka Haweenka iyo Dadweyne kale oo aad u fara badan kuwaas oo ka kala yimid xafadaha ay ka koobantay Magaalada Baydhabo.

kulankan ayaa waxaa lagu soo bandhigayay Nabada iyo Hormarka ka jirta Deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed, maadaama loogu magacdaray Socdaalka iyo Nabadda.

mas’uuliyiinytii goobta ka hadashay waxaa ka mid ahaa Kusimaha Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ahna Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Xasan Fiqi Wasiirka War faafinta iyo xubno kale oo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.

Ugu dambeyntii Wasiirka Hub ka dhigista iyo Dhaqan celinta Maleeshiyaadka Maamulka Koonfur Galbeed Xasan (Eelaay) ayaa shacabka Koonfur Glabeed ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan Hormarka iyo Nabadda.

Hoos ka Dhageyso Codka:-