DHAGEYSO:- Maamulka Jubbaland oo ka hadlay Sugidda Amniga Xilliga Doorashooyinka

0

Gudoomiyaha Magaalada Kismaayo Ibraahim Maxamed Tima-jilac oo saxaafada la hadlay ayaa wuxuu sheegay in ay sugayaan Amniga Ergooyinka Dooranaya Xildhibaanada ka soo jeeda Deegaanada Jubbaland

Ibraahim Maxamed Tima-jilac Gudoomiyaha Magaalada Kismaayo ayaa sidoo kale sheegay in Magaalada Kismaayo ay soo gaareen Ergo kala duwan, kuwaas oo degan Hoteelada Magaalada.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in Laamaha Amniga laga doonayo in ay ka shaqeeyaan Amaanka Ergooyinkaasi oo si nabad gelyo ah Doorashada ay uga dhacdo Magaalada Kismaayo.

Deegaanada Gobolada Soomaaliya ayaa waxaa looga diyaar garoobayaa Doorashada Xildhibaanada ka imaanaya Deegaanadaasi, iyadoo si weyn loo adkeeyay Amaanka Magaalooyinka qaar oo si weyn looga dareemayo diyaar garowga Doorashooyinka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-