Deegaanka Moqokori ee Gobolka Hiiraan waxaa ka socda Barakac balaaran oo ay sameynayaan Dadka Deegaanka kuwaasi oo cabsi ka qaba in dhibaatooyin ay kala kulmaan Shabaabka dhowaan Deegaankaasi la wareegay.
Dadka oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in 27 Qof o shacab ah lagu xiray xabsiyada Dagaalyahanada Shabaab ay ku leeyihiin Deegaanka Moqokori, kuwaas oo inta badan lagu eedeeyay in ay gacan siin jireen Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM ee dhowaan Deegaankaasi isaga baxay.
Mid ka mid ah Dadka Deeganka qeybna ka ah Dadka ka barakacay Deegaankaasi ayaa sheegay in sababta ay u barakaceen ay tahay cabsi ay ka qabaan Shabaab iyo in Dagaalo ay halkaasi ka dhacaan.
Deegaanka Moqokori ee Gobolka Hiiraan oo qiyaastii dhanka Bari Magaalada Beledweyne kaga beegan 150-KM ayaa waxaa ka jira dhibaatooyin badan, waxaana xirmay goobihii Ganacsi ee halkaasi ku yaallay.
Hoos ka Dhageyso Codka:-