DHAGEYSO:- Banaanbixii Balaaran oo Maanta Muqdisho ka dhacaya iyo Hal Arrin oo looga soo horjeedo

0

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho lagu wadaa in lagu qabto Banaanbax loogu soo horjeedo in gorgortan iyo Wada hadal ay gasho Badda Soomaaliya.

Banaanbaxa ayaa waxaa agaasimaya oo abaabulka Wada Maamulka Gobolka Banaadir, Waxaana ka qeyb galaya shacab fara badan oo ka kala imaanaya degmooyinka gobolka Banaadir.

Sida uu qorshaha uu yahay Banaanbaxa ayaa waxaa lagu Wadaa in ay ka qeyb galaan Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka gobolka Banaadr.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay Banaanbaxa Maanta ka dhacaya Muqdisho iyo Kaalinta Maamulka gobolka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-