WAR DEG DEG:- Shir looga soo horjeedo Xasan Sheekh iyo Maamulka loo sameynayo H/Sh oo ka socda Beledweyne

0

Shir Deg Deg ah oo Maamul loogu sameynayo Gobolka Hiiraan ayaa hadda ka socda Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Shirka ayaa sidoo kale looga soo horjeedaa Maamulka loo sameynayo Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ee hadda ka socda Magaalada Jowhar.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed,Duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan oo uu ka mid yahay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif,Xildhibaano uu ku jiro C/llaahi Goodax Barre.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Shirka looga tashanayo sidii Gobolka Hiiraan loogu sameyn lahaa Maamul u gaar ah.