WAR DEG DEG:- Dab ka kacay Guri ku yaalla Degmada Howlwadaag

0

Wararka inaga soo gaaraya Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheeagayaan in Dab khasaare geystay uu ka kacay Guri ku dhow Dugsigii Sare ee Jamaal C/naasir oo ku yaalla Degmada Hawlwadaag.

Dad Goob joogayaal ah oo la hadlay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in goobtaasi uu dab ka kacay, balse ilaa iyo hada aan si rasmi ah loo xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay Dabkaasi.

Weli lama oga sababta ka dambeysay in Dabkan uu ka kaco Guriga ku dhow Dugsigii Sare ee Jamaal C/naasir oo ku yaalla Degmada Hawlwadaag, iyadoo Dabka uu isku sii shareeray Cirka.

Gaadiidka Dab damiska ayaa waxa ay gaareen Goobta uu ka kacay Dabka, waxaana ay halkaasi ka wadaan dadaalo lagu daminayo Dabka si uusan ugu sii faafin Guryaha kale ee halkaasi ku akdhow.