Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shhariif Sheekh Axmed, haatanna la filayo inuu isku soo sharaxo xilka madaxweyne ayaa beesha caalamka u gudbiyey dacwad ka dhan ah Xasan Sheekh Maxamuud.
Sheekh Shariif ayaa beesha caalamka warqad usoo qoray ku sheegay in Muqdisho lagu ugaarsanayo cid walbo oo dooneysa iney la tartanto Xasan Sheekh islamarkaana amnigooda halis yahay.
Waxa uu Madaxweyne Sheekh Shariif uu sheegay in Beesha caalamka laga doonayo in amniga Muqdisho gaar ahaan midda musharrxiinta u diyaariyaan ciidan u badan AMISOM, islamarkaana la dejiyo meel aysan dhib ku arkeyn.
Waxaa la filayaa in warqaddan ay jawaab degdeg ah kasoo saaraan xubnaha beesha caalamka ka jooga magaalada Muqdisho, islamarkaana ay go’aan ka qaataan arrintan.
Cabsida jirta ayaa ah in la ugaarsado musharraxiinta u taagan xilka madaxweyne maadaama magaalada lagu dilay rag badan oo musharraxiinta u ololeynayey.
Tuhun badan baa ka dhashay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee maalintii shalay ahayd lagu qaarajiyey Jeneraal Goobaale, oo si gaar ah u diyaarinayey ciidankii sugi lahaa amniga Muqdisho.