Kooxo hubeysan oo Dad rayid ah u dilay Gobolka Mudug

0

Wararka aanu Ka Heleyno Degaanka Tuulo Qorax ee Duleedka Degmada Bandiradlay ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Dablay Hubeysan ay ku dileen Dad Shacabka ah oo ka soo jeeda Galmduug waxaana wararka aynu heyno ay shegayaan in dadkaas ay layeen Dablay cida aan ka amar qaadan oo Halkaasi ku dhumaleysanaysa
inta La Xaqijiyay waxaa Werarkaas ku dhintay Labo oo ay dileen Koxihii werarka halkaasi ku soo qaday aydoona Halkaasi ay ka baxsadaan.

Wararki intaasi Waxa ay ku Darayan in Halkii uu dhibku ka Dhacay Lagu baxay isla Markana Ciidamo ay Gaareen si loo soo ogaado qasaraha iyo dhibaatada halkaasi ka dhacday.

Dadka Deganka aya saxaafada u shegay in ay ka War heleen arintan waxana ay shegeen in ay ka cabsi qabaan in dableydaas hubaysan ay dib u soo laabtaan isla markna ay dhibaaro wayn gaarsiiyaan dadka halkaasi ka agdhaw.
Lama Oga sabab arintan ka danbeysa balse arinkan aya waxa dadku qaar ay shegeyaan in ay yihiin arimo la xiriira anooyiin qabiil oo deganada halkaasi ku yaal marar qaar ka dhaci jiray