Waxaa laga cabsi qabaa in ay burburto xabad joojinta aan cagaha adag ku taagneyn ee dalka Siiriya, kadib duqeyntii ay diyaaradaha Maraykanka la beegsadeen saldhiga Ciidamada Bashar Al Assad Sabtidii lasoo dhaafay.
Duqeyntaasi ayey ku dhinteen tiro badan oo kamid ah ciidamada dowlada Siiriya ee fariisinkooda ahaa deegaanka Dayrul Al Suur oo ay isku horfadhiyeen xoogaga Daacish (ISIS). Axadii shalay ayey kooxda ISIS sheegatay inay sidoo kale soo riday diyaarad dagaal oo ay leedahay dowlada Siiriya.
Xukuumada Siiriya ayaa si adag uga hadashay duqeynta Maraykanka iyadoo ku eedaysay xukuumada Washington inay taageero hoose siiso kooxda Daacish, Ruushka ayaa isaguna cambaareyn adag u diray Maraykanka.
Inkastoo isniintii lasoo dhaafay dalka Siiriya looga dhawaaqay Xabad joojin ayaa hadana waxaa goobaha qaarkood weli ka socda dagaalada u dhaxeeya xoogaga mucaaridka iyo ciidamada dowlada Siiriya.