AKHRISO+SAWIRRO: Yuusuf Garaad Oo Warbixin Kooban Kasoo Diyaariyay Dacwadi Badda Ee Maanta U Dhaxeysay Soomaaliya Iyo Kenya…

0

Maanta ayuu Hague ka furmay dhegeysiga diidmo ay Kenya ka keentay dacwadda ay Soomaaliya u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ICJ.

Kenya waxaa ay qabtaa in aan Maxkaddu gelin dacwadda iyada oo ku adkeysaneysa in Soomaaliya iyo Kenya ay is afgarad kala saxiixdeen 2009. Kaas oo labada dal ay ku heshiyyeen, sida ay Kenya u dhigeyso in wadahadal ay xalliyaan dhammaan aagagga ay labada dhinac ku muransan yihiin.

Sidaa darteed Kenya waxay qabtaa in Soomaaliya ay xushmeyso oo ay u hoggaansanaato waxa uu qorayo Is-Af-Garad ay la saxiixatay Kenya 2009.

Kenya waxay dooddeeda u sameysay hordhac qurux badan oo muujinaya sida ay Kenya u saacidday Dowladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed. Tusaale waxay Kenya u soo qaadatay soo dhoweynta qaxootiga, marti-gelinta shirkii lagu dhisay Dowladda Soomaaliya 2004, marti gelinta Xukuumadda iyo Baarlamaanka Soomaaliya ilaa ay aakhirkii u suurta gashay in ay si qeyb qeyb ah ugu guuraan Soomaaliya. Kenya waxaa kale oo ay sheegtay in ay wiilasheeda iyo gabdhaheeda ciidanka ay u dirtay Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan nabadeynta dalka, howlgalkaas oo ay ciidan badani uga dhinteen.

Arrimahaas oo dhan ayaa muujinaya ayay yiraahdeen in aanay suurta-gal ka ahayn Kenya in ay bad Soomaliya leedahay ay ku xadgudubto.

Kenya waxaa wafdigeeda hoggaaminaya Garyaqaanka Guud, Githu Muigai.Madam Rose Makena Muchiri, oo ah Danjiraha Kenya u fadhiya magaalada Hague. Amos Wako oo xubin ka ah Aqalka Sare ee Kenya horna u ahaan jiray Garyaqaanka Guud, mas’uuliyiin kale iyo Qareenno caalami ah oou dhashay Mareykan, UK iyo Faransiis.

Berrito ayay Maxkamaddu dhegeysan doontaa jawaabta Soomaaliya.

ic ic1 ic2 ic3 ic4

W/Q: Yuusuf Garaad

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media