Kornel C/llaahi Sabriye Cabdulle oo ka tirsan Ciidanka XDS ayaa Caawa lagu dilay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir sida uu Warbaahinta u Xaqiijiyay Guddoomiyaha Degmada Hodan Axmed Salaad.
Allaha u Naxariistee Col C/llaahi Sabriye Cabdulle ayaa la sheegay in ay dileen Koox Hubeysan kuwaas oo Goobta ka Cararay.
Dilka C/llaahi Sabriye Cabdulle ayaa ku soo aadaya Xilli Salaadii Maqrib ka dib Dagmada Waabari lagu dilay Fanaan ka tirsanaa Kooxda Onkod.
La soco Wixii soo kordha..